June 30, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Macalin  Ole Gunnar Solskjær oo fariin u diray saddex ka mid ah xiddigaha kooxda Man United – Gool FM


(Manchester) 30 Juun 2020. Macalinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay go’aankiisa kaga aadan weerarka kooxda, isagoo carabka ku adkeeyay inay wali fursad u heystaan inay horumar sameeyaan saddexda weerarka ah, balse qofna uusan damaanad u heysan booskiisa.

Ole Gunnar Solskjær ayaa u muuqda mid doonaya inay horumar weyn sameeyaa weeraryahanadiisa Marcus Rashford iyo Anthony Martial kulamada ka harsan xilli ciyaareedkan.

Macalinka reer Norway ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday maanta wuxuu ku sheegay:

“Anthony wuxuu bixiyaa xilli ciyaareed aad u wanaagsan, aad ayeyna muhiim noogu aheyd, waxaan dareenay qiimaha uu leeyahay marka uu dhaawaca qabay labo bilood, waan ku dhibtoonay, wuxuu ogyahay inta aan ku kalsoonahay, wuuna ogyahay inaan u sabri doono isaga”.

“Martial si fiican ayuu u dhameystiraa fursadaha, laakiin waxay ku xiran tahay inuu joogo goobaha saxda ah, waxay si joogto ah u kobcaysaa galitaanka xerada ganaaxa iyo inuu ka agdhawaado xerada, waxaan qabanaa shaqooyin badan si aan u soo gaba gabeynto fursadaha, laakiin isaga ayey sidoo kale ku xiran tahay inuu diyaar garoobo”.

“Odion Ighalo waa weeraryahan halyey ah, wuxuu ka soo ciyaaray noloshiisa oo dhan booskan, sidaas darteed wuxuu Martial kaga caawiyaa tababarada dhaqdhaqaaqa iyo sida kubadda loo ilaashado, Martial wuxuu wax ka baranayaa weeraryahan khabiir ah”.

“Waxaan heshiis la gali karnaa weeraryahan cusub si aan kor ugu qaadno tartanka, xilli kasta waxaan isku daynaa inaan horumar sameyno, haddii ay taasi dhicina, waxaan raadineynaa qof kale oo fiican, sababtoo ah waa inaan ku jirnaa boos fiican”.

“Ugu dambeyntiina, sidan ayaa ah sida ay wax u socdaan si kor loogu qaado tayada, si sax ah ayey horumar u sameeyeen  Martial, Ighalo iyo Rashford xilli ciyaareedkan, laakiin weli waxay u soo muuqan karaan si ka fiican”.

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by