June 30, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou… +SAWIRRO – Gool FM




(Barcelona) 01 Luulyo 2020. Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar-bardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Barcelona iyo Atletico Madrid.

Daqiiqadii 11-aad kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool qalad ah iska dhaliyay weeraryahanka Atletico Madrid  ee Diego Costa, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

Laakiin daqiiqadii 19-aad Atletico Madrid ayaa heshay rigoore, waxaana gool u badalay oo bar-bardhac 1-1 ah ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Spain ee Saul Niguez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Barcelona ayaa loo dhigay rigoore, waxaana gool u badalay Lionel Messi, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 2-1 ay hogaanka kula wareegtay Barca.

Laakiin markale daqiiqadii 62-aad Atletico Madrid ayaa lagu abaal mariyay rigoore, waxaana gool u badalay Saul Niguez, dheesha ayaana sidaas ku noqotay barbaro 2-2 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Barcelona iyo Atletico Madrid, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Camp Nou, iyadoo natiijada ciyaartan aysan u wanaagsaneyn naadiga Blaugrana.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by