June 30, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Faysal Cali Waraabe oo xasaanada laga qaaday +Video


Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka UCID Feysal Cali Waraabe ayaa laga xayuubiyay xasaanadda sida ay maanta ku dhawaaqeeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddiga ayaa hogaamiyaha ku eedeeyay inuu jabiyay qodob dastuuri ah kaas oo ka hor imaanaya midnimada iyo wadajirka Somaliland, waxeyna go’aankaan ku shaaciyeen war qoraal ah oo ay soo saareen.

Guddiga ayaa Feysal Cali Waraabe ku eedeeyeen ixtiraam darro uu u muujiyay dastuurka Somaliland, waxeyna guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada ogeysiiyeen iney xasaanadda ka qaadaan si dacwad loogu soo oogo.

Guddiga ma carabaabin sabab kale oo ku riixday iney codsigaan gudbiyaan, balse hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli hogaamiyaha xisbiga UCID uu meel fagaare ah ku weeraray Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada.

Feysal Cali Waraabe oo lagu yaqaano hadalada xanafta leh ayaa Baashe ku tilmaamay shaqsi aan miisaan ku laheyn Somaliland isla markaana aan qabiilkiisa ka iibin Karin siyaasadda Somaliland.

Si kastaba hadalka Feysal waxaa lagu tilmaamay mid aan habooneyn oo kala qeybinaya bulshada guud ee Somaliland, waxaana loo aqoonsaday inuu galay dambi qaran.

Xisbiga UCID ayaan ka hadlin eedeymaha ay hogaamiyahooda usoo jeediyeen guddiga joogtada ah ee wakiilada Somaliland.


 



Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by