June 30, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Bangiga adduunka oo ku deeqay 40 Milyen oo lagu taageerayo beeralayda iyo xoola dhaqatada Somalida


Maamulka sare ee Bangiga aduunya ayaa ansixiyay 40 Milyan oo doolar oo lagu taageerayo Beeralayda iyo Xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee uu sameeyay Ayaxa.

Lacagtan oo qeyb ka ah mashruuc balaaran oo Bangiga aduunku ku tyaageerayo wadamada Afrika iyo Bariga dhexe ee uu sameeyay Ayaxa ayaa la soo marinaya hey’adda horumarinta caalamiga,

Kacaanka Ayaxa Soomaaliya waxa uu saameeyay 2.6 milyan oo qof i oo ku nool 43 degmo oo ka mid ah gobolada Soomaaliya. Beeralayda Soomaaliya waa lafdhabarta dhaqaalaha ku tiirsan yahay 75%

‘’ Ayaxu waxaa uu baabi’iyay dalagyadii beeraha, waxaa abuuray xaalad bani aadamnimo, waxa uu sababay yaraashada cunida la heli karoo o dhaliyay oo hoos u dhac dhaqaale’’ sidaas waxaa yiri Agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya Felipo Jeremilo.

Agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay taageerayaan Soomaaliya iyada oo loo marayo mashruuca baxnaana ee taageerida danyarta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle eyaa maamulka sare Bangiga aduunka mahad celiyay ansixinta 40 milyan ee doolar oo lagu taageerayo ka jawaabida saameynta Ayaxa ee nolosha dadka Soomaaliyeed eek u tiirsanaa dalagyada beeraha.

HORSEEDMEDIA



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by