March 27, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Puntland oo sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay khamri iyo dadkii ka ganacsanayay. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Boosaaso-KNN-Ciidanka
Booliska Gobalka Bari oo ay wehliyaan Ciidamada PMPF iyo Madaxtooyada ayaa
xalay Warbaahinta u  soo bandhigay guri
Ka mid ah Xaafadaha Magaalada Boosaaso oo Lagu Qarinaayay Khamri aad u fara
badan iyo dadkii ka ganacsanayay.

G/Sare
Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa ka
warbixiyay Khamrigan ay ciidamada booliska gacanta ku soo dhigeen, isagoona
sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada booliska ay u suura gashay in ay
gacanta ku soo dhigaan dadkii ka ganacsanayay khamrigaasi.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay khamrigan uu dhan yahayin ka
badan 10,000 kun Oo Khamri ah, Isagoona digniin u diray milkiilayaasha guryaha
ku leh magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo adag
laga qaadi doono dadka ka ganacsanayay khamrigan, isagoona sheegay in maxkamad
la soo taagi doono.


Post Views:
31



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by