March 27, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Maxaa ka soo kordhay Xaalada Caafimaad ee R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya?. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Kadib Markii
warar lagu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo ku aadanaa in magaalada London ee
dalka Britain uu ku xanuunsan yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur
Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa arintan xaqiijiyay ehelada R/Wasaarihii
hore ee Somalia.

Wiil
uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade ayaa xaqiijiyay
in aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu
dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay xanuunka dunida oo dhan
aafeeyay ee corona.

Wuxuu
intaa ku daray in xaaladiisa ay kasoo reyneyso, sababta isbitaalka loo geeyayna
ay tahay in uu qabo xanuuno ay kamid yihiin macaankaa ama sonkorta, waxaana uu
yiri “sideed maalmood kahor ayaa lagu arkay xanuunka”.

Wuxuu
sidoo kale ka hadlay warar been abuur ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu soo
qoray baraha bulshada, kuwaas oo uu sheegay in aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale xanuunka ra’iisul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ka
hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre oo sheegay in xaaladda
Nuur Cadde uu kala xiriiray qoyskiisa.

Nuur
Xassan Xusseen, Nuur Cadde ayaa Soomaaliya ra’iisul wasaare kasoo noqday
dowladdii kumeel gaarka ahayd ee sanadkii 2007-da, waxaana uu lasoo shaqeeyay
madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf (AU).


Post Views:
76



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by