March 27, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

FAA'IDOOYINKA AY LEEDAHAY SADAQADA. """"""&q…

FAA'IDOOYINKA AY LEEDAHAY SADAQADA.
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Faa'idooyinka ay leedahay Saddaqada waxaa ka mid ah:-

1- Sadaqadu waxey Demisaa Carada Eebe.

2- Sadaqadu waxey kaa Dhawrtaa balaayo.

3- Sadaqadu waxey Daawo u tahay Cudurada.

4- Sadaqadu Risqiga iyo Maalka wey Badisaa.

5- Sadaqada Har ayey kuu tahay Qiyaamada.

6- Mar walba oo aad Wax baxsato waxaa kuu Ducayn Malag, Malaguna Ducadiisu waa Aqbal.

7- Kuwa Sadaqada badan waxey ka mid Noqonaayaan Todobada Eebe Hooskiisa Harsanaayo Qiyaamaha.

8- Sadaqadu waxey Badisaa Maalka.

9- Hadaad wax bixiso badalkeeda oo khayra ayaad heleysaa.

10- Sadaqadu Xoolaha wey Badbaadisaa, waxeyna ka Badbaadisaa Dhaca iyo Xatooyada iwm.

11- Sakada oo la bixiyo waxaa lagu helaa Roobka.

12- Sadaqadu waxey leedahay Cimri Dheer.

13- Sadaqadu Naarta ayey Gaashaan kaaga noqotaa.

14- Dadka wax Sadaqaysta ma Murugoodaan mana Walbahaaraan maalinta Qiyaamo.

15- Qofka Sadaqada badan Ajirkiisu ma go'o xataa Hadduu dhinto.

16- Qofka wax Sadaqeysta Eebe wuxuu balan Qaaday inuu u Laba-laabaayo.

17- Sadaqadu waxey Hagaajisaa Khaatumada wanaagsan.

18- Nabiga CSW, Dumarka wuxuu Ku booriyay iney wax Sadaqaystaan maxaa yeelay iyagaa Naarta igu badan.

19- Ruuxa wax Sadaqaysto Eebe Amuurihiisa wuu u Fududeeyaa.

20- Qofka wax Sadaqaysta Ilaahay wuxuu u fududeeyaa wadooyinka khayrka iyo Daacada Rabbi.

21- Sadaqadu Qofka waxey Qalbigiisa ka Nadiifisaa Kibirka, Cuqdadda iyo Faanka.

22- Sadaqadu waxey Ruuxa ka Tirtirtaa Munaafaqnimada maxaa yeelay Baqeylnimadu waa Astaan ay Munaafiqiintu lahaayeen.

23- Sadaqada waxaa laga Dhaxlaa is jaceyl.

24- Sadaqadu waxey Badbaadisaa Dhibka ku soo Socda Nafsadaada.

25- Sadaqada waxey kuu Dhoweysaa Eebe , Eebe wuxuu sheegay Dadka Muxsiniinta ah ama Samafalayaashu iney Naxriista Eebe u Dhow yihiin.

Wabillaahi Towfiiq.



Sayid Mukhtaar

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by