February 15, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Dad xoog leh oo ka kacay dooxada Ooda-gooye ee duleedka Laascaanood – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Laascaanood-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku warramaya in uu dab xoog leh saacadihii lasoo dhaafay ka kacay dooxada Ooda-gooye, dhacda duleedka magaalada Laascaanood.

Dabkaas oo aan weli la xaqiijin waxa dhaliyay
ayaa ka kacay dhulka miyiga ah, gaar ahaan dooxada Ooda-gooye oo la sheegay in
ay tahay mid aad ugu wanaagsan daaqsinka xoolaha, waxayna ka mid tahay
dooxooyinka ugu waaweyn gobolka Sool.

Dadka ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo
sheegay in dabka halkaasi ka kacay uu si xawliya ku socdo, isla markaana ay
adagtahay in la demiyo, maadaama sida ay sheegeen uu jihooyin kala duwan ku
faafay, dabeyl darana ay socoto.

Xabsi badan ayaa soo wajahday dadka ku nool
magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga, waxaana saacadihii la soo
dhaafay magaalada ka baxay gurmadyo xoog leh oo ku dadaalaya deminta dabkaas.


Post Views:
1



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by