February 14, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Wafti JWXO Katirsan oo Fiiq Si Diiran Loogusoo Dhaweeyay. Iyadoo wufuuda JWXO a…

Wafti JWXO Katirsan oo Fiiq Si Diiran Loogusoo Dhaweeyay.

Iyadoo wufuuda JWXO ay meelo kala gadisan oo dalka Ogadenia kamid ah ay socdaalo shaqo kumarayeen ayaa waxaa maanta Magaalada Fiiq ee Xarunta Gobolka Erar si wayn loogu soo dhaweeyay Mas'uuliyiin iyo Kaadir Jabhada ONLF katirsan.

Waftigan ayaa daba-socday wafti kale oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhaweeyay Magaalada Fiiq, Wafuudan kala duwan ee Fiiq soo gaadhay ayaa la rajaynayaa in ay halkaas ka qabtaan shaqooyin muhiim ah, Waxaana imaatinka Madaxda Xisbiga JWXO laga dareemayaa Xarunta Gobolka Erar ee Fiiq waxaana Dadwaynaha wajiyadooda ka muuqata farxad aad u balaadhan.

Warka la xidhiidha Waftiyadan Fiiq isugu yimid & wixii kasoo kordha ayaad kala socon doontaan Wakaalada Wararka Ogadenia.

ONA.







Ilays Tv

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by