February 14, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Taliyihii Saldhiga Boliiska Nuur Salaad ee magaalada Bosaso oo la dhaawacay – Hornpost





Wararka ka imanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in koox ku hubeysan bastoolado ay ku dhaawaceen taliyihii Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Bosaso Col. Cumar Warsame Ciise xilli uu ka soo baxay masjidka Misis Faadumo ee magaalada Bosaso xiligii salaada Jimcaha.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray taliyaha balse haatan lagu daweynayo isbitaalka National ee magaalada Bosaso.

Rasaastii ay fureen kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaa ku sugnaa, kaasi oo magaciisu lagu sheegay Mamamad Axmad Maxamad oo ku magac dheer Baariyow, kana mid ah derawalada gaadiidka dadweyanaha .

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday halka ay ku weerareen Korneylka,hase yeeshee goor dambe ayaa waxaa gaaray ciidamad amniga magaalada Bosaso.

Warar hadda na soo gaaray magaalada Bosaso ayaa sheegaya in Col. Cumar Warsame Ciise uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Ammaanka magaalada Bosaso ayaan wanaagsanayn iyadoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay weeraro ka geystaan magaalada

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dhaawacay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Maxkamada racfaanka gobolka Bari Mustaf Axmed Aadan.

Hornpost.net





Horn Post News

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by