February 14, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Manchester City oo laga ganaaxay ka qeyb galka tartanka Champions League – Gool FM




(Manchester) 14 Feb 2020. Xiriirka Kubbadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in Manchester City laga mamnuuci doono tartanka Champions League labo xilli ciyaareed ee xiriir ah, sababa la xiriira inay ku xad gudubtay sharciga dhaqaala wanaaga Yurub.

Warkan ka soo baxay Xiriirka Kubbadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa lagu sheegay in Manchester City lagu ganaaxay inay ka maqnaato Champions League labo xilli ciyaareed ee isku xigta iyo qiimo lacageed dhan 30 million euro.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Guardian” ee wadanka England  ayaa sheegay in ganaaxan lagu soo rogay Manchester City uu sabab u yahay kaddib markii ay ku xad gudubtay sharciga dhaqaala wanaaga Yurub.

Warbixinta ayaa daaha ka qaaday in dhaleeceynta Manchester City ay timid kaddib markii la hubiyay in warbixin been ah ee ku aadan dhaqaalaha kooxdeeda ay u gudbisay Xiriirka Kubbadda Cagta Yurub.

Waxaa xusid mudan in Saraakiisha kooxda Manchester City ay horey u beeniyey warar soo baxaya iyagoo sheegay inay aheyd isku day la doonayay in lagu khaarijiyo sumcadda kooxda.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Manchester City ay xaq u leedahay inay racfaan ka qaadato go’aankan xilliyada soo socda, ka hor Maxkamadda Caalamiga ah ee Ciyaaraha.

Gool FM.






Gool Fm News

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by