February 14, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Frank Lampard oo ka hadlay mustaqbalka Pedro iyo Willian kaddib heshiiska ay la gaareen Hakim Ziyech – Gool FM




(London) 14 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddigaha Pedro Rodríguez iyo Willian, kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiska uu Hakim Ziyech uga yimid naadiga Ajax.

Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in heshiiska Hakim Ziyech oo gaaraya 40 milyan euro, aysan ka dhigi doonin in xiddigaha Willian iyo Pedro ay ka dhaqaaqi doonaan garoonka Stamford Bridge suuqa xagaaga ee soo socda.

Lampard ayaa kaga jawaabay kaddib markii la weydiiyay su’aal ku aadan mustaqbalka Willian iyo Pedro, kaddib markii ay la heshiiyeen Hakim Ziyech wuxuuna yiri:

“Maya, waxaa jira wada hadalo socda ee ku aadan labadan xiddig, labadoodaba waxay ahaayeen ciyaartoy ku guuleystay Chelsea” ayuu yiri tababare Frank Lampard.

Shalay ayey aheyd kaddib markii ay Kooxda Ajax Amsterdam ku xaqiijisay website-keeda rasmiga ah, in heshiis ay la gaartay naadiga Chelsea, kaasoo ku aadan in Hakim Ziyech uu ugu wareegi doono Blues 1-da July 2020 qiimo gaaraya 40 milyan euro.

Gool FM.






Gool Fm News

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by