Muqdisho-KNN-Guddiga joogtada ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Axada barrito 13-ka October waxay kal-fadhiga 6aad kulankiisa koowaad ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka barrito ayaa ah dajinta ajendayaasha kal-fadhiga 6aad ee xildhibanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kal-fadhiga 6aad ee golaha shacabka ayaa sagaalkii bishan waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaddib fasax ay ku maqnaayeen mudo labo bilood iyo dhawr cisho ah.

https://radiokulmiye.net/
https://radiokulmiye.net/


Post Views:
14



Source link