Waxaa Dagmada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo kaqabsoomay kulan balaadhan oo dhex maray Odayaasha dhaqanka ee Dagmada Wardheer iyo madax sarsare oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa kubilowday kala warqaadasho, waxaana Odayaasha warbixin mug leh siiyay madaxda JWXO ee booqashada kujoogay Gobolka Doollo.

Madaxda Jabhada oo mudo Gobolka Doollo kujirtay ayaa Odayaasha kala hadlay danta umada iyagoo tooshka kushiday wadiiqada haboon ee in laqaado ay tahay.

Sidoo kale Odayaasha ayaa dhankooda madaxda JWXO ucadeeyay dareenkooda iyo sida ay doonayaan in dadka iyo dalka loojaheeyo si loogaadho hormarka umada.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kudhamaaday kulankii Odayaasha dhaqanka ee Dagmada Wardheer iyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kaqabsoomay hoyga ay waftigu kadagan yihiin magaalada Wardheer.

ONA/Wardheer.



Source link