Muqdisho-KNN-Qaar kamid ah musharrixiinta madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka horyimid guddigii farsamada dhismaha maamulka Galmudug, kaas oo ay dhawaan magacaawday wasaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalana uu ku raacay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Musharaxiinta ayaa sheegay in guddiga ay dowladda dhexe u magacowday
dhismaha maamulka Galmudug ay dhamaantood yihiin shaqaallaha rayidka ah ee
dowladda, wax la tashiyana aan lagala yeelan wax garadka matala beelaha maamulka
Galmudug.

Musharaxiinta ayaa xubno ka tirsan guddiga la magacaabay waxa
ay ku eedeeyeen in ay u ola olaynayeen musharaxa Axmed Qoor-Qoor oo ka mid ah musharaxiinta
u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, si gaar ahna loogu xagliyo in uu
garab ka heysto xukuumadda federaalka.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka musharaxiinta:-

https://radiokulmiye.net/
https://radiokulmiye.net/


Post Views:
105



Source link