(London) 12 Okt 2019. Laacibka khadka dhexe ee Arsenal, Mesut Ozil ayaa ku kacay tallaabo muujinaysa inuu ka tagayo Gunners, kaddib markii la sheegay inuu suuqa dhigay gurigiisii magaalada London oo uu iibinayo, iyadoo ay jiraan in la isla dhexmarayo inuu doonayo inuu ku biiro koox ka dhisan dalka Turkiga.

Kaddib markii uu boos ka waayay shaxda macallin Unai Emery, waxaa soo baxayey warar la isla dhexmarayo oo ku aaddan mustaqbalka kubbadsameeyahan kuwaasoo sheegaya inuu doonayo inuu tago, waxaana qandaraaskiisa haatan uga harsna ka yar labo sano.

Kooxda Fenerbahce ayaa la sheegay inay isku diyaarinayso inay la saxiixato Ozil suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bisha Janaayo, iyagoo bixin kara mushaharka uu 30-sano jirkaan ka qaato Gunners.

Sida ay warinayaan wararka laga helayo dalka Turkiga, xiisaha uu ka helayo dalkaasi ayaana u horseeday Ozil inuu suuqa dhigo oo uu iibiyo gurigiisa magaalada London, iyadoo ay u muuqato inuu doonayo inay arrintaasi soo jiidato iibsade ama qof gata gurigaas ka hor dhammaadka sanadka 2019.

Inkastoo laacibkan reer Jarmal uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo dibadda ama meel ka baxsan dalka Ingiriiska ayaa haddana kooxda Fenerbahce waxaa laga yaabaa inay awooddo kaliya inay heshiis amaah ah ku qaadato Ozil, isla markaana ay bixiso mushaharka uu ka qaadanayo garoonka Emirates.

Gool FM.






Source link