Garowe-KNN-Maxkamadda
darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dambi ku weyday eedeesanayaal
loo haystay inay geysteen falal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta
maamulka Puntland.

Eedeysanayaasha oo la horkeenay maxkamada ayaa dhammaantood
laga dhaariyay dambiyada loo haystay oo ahaa kufsi.

Kadibna guddoomiyaha maxkamadda Sheikh Cabdinuur Jaamac
Xuseen, ayaa sheegay mar haddii maxkamaddu aysan haynin wax caddeymo ah in
raggaasi beri ka yihiin dambiyadooda.

Maxkamaddu waxay dhaarta ku jiiday shan qof oo afar kamid ah
ay ku eedeysnaayeen kufsi wadareed, halka mid kalena uu kaligiis ku ahaa kiis
kufsi ah.

Qareenada dacweynayay raggaasi ayaa racfaanka ka qaatay
go’aanka maxkamaddu gaartay.

Dhawaan, waxaa la filayaa in maxkamadda la horkeeno
eedeesanayaal loo haysto kufsi iyo dil 12kii bishii Abril ee sanadkaan Garowe
loogu geystay haweenay xaas ahayd oo gurigeeda loogu dhacay sida ay sheegeen
xubno ka tirsan hey’adaha garsoorka maamulka Puntland.


Post Views:
86



Source link