(England) 12 Okt 2019. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ah mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, wuxuuna ku guuleystay koobab meelkasta uu tagay, taasoo sabab buuxda u ah falsafadiisa ciyaareed ee cajiibka ah.

Laakiin Xilli Ciyaareedkaan kooxda Manchester City uu hogaamiyo Guardiola ayaa waxay 8 dhibcood nadiif ah ka hooseeyaan hogaamiyaasha Premier League ee Liverpool, taasoo keentay su’aalo badan leyska weydiiyo awooda ay Skay Blues ku difaacan karto koobka horyaalka iyo sida uu tababare Pep ula dhaqmi karo caqabadan adag.

Iyadoo arrintan jirto ayuu halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo wareysi uu ku bixiyay wargeyska Daily Express” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Shakhsi ahaan, iyo waxa aan ka aqaano Guardiola, sababtoo ah waxaa kula ciyaaray isaga kooxda Barcelona, waxaan ogahay inuu yahay shaqsi dagan oo qibrad leh, waxaa intaas u sii dheer inuu yahay mid xoogan, si wanaagsan ayuu u yaqaanaa ciyaartoydiisa”.

“Waxaa wali harsan kulamo badan ee loo ciyaari doono si loogu guuleysto horyaalka Premier League, waxaan aaminsanahay in Guardiola uu yaqaano sida loo yareeyo farqiga 8 dhibcood ee Liverpool”.

“Guardiola wuxuu dhisay koox weyn oo leh qaab ciyaareed aad u fiican”.

“Guardiola wuxuu kalsooni ku qabaa kooxdiisa, wuuna ka war qabaa ineysan ka awood yareen Liverpool, sidaas darteed wuxuu aaminsan yahay inuu awood u leeyahay inuu wax ka qabto xaaladan”.

Si kastaba ha noqotee Rivaldo ayaa wuxuu sheegay in Liverpool aysan markale fursad labaad siin doonin Manchester City sida xilli ciyaareedkii hore, madaama iyadoo Reds ay farqi dhibco badan hogaanka ku heysay inta laga daba yimid ugu dambeyntiina laga qaaday koobka horyaalka Premier League.

Gool FM.





Source link