Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka hadlayey xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay dowladda soo xiri doonto albaabka nabadda haddii aysan qaban doorasho marka ay dhamaato waqtiga xil heynta xukuumadda.

”Dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ka geysaneyso dalka waxaa
kaliya looga aamusan yahay inay dalka ka dhici doonto doorasho, haddii ay taas dowladda
sameyn weysana iyadaa soo xirtay albaabka nabadda” ayuu yiri Cabdiraxmaan C/shakuur
Warsame.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweyne
Farmaajo ay kasoo xirmatay inuu ciidamo duulaan ku ah Soomaaliya uu kasoo helo
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya maadama uu sheegay in dhawaan la guddoon siiyey
Nobel Peace Prize taasina ay u diideyso inuu ka qeybqaato colaadaha.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Farmaajo
uu ka xishoon waayey waxyaabo ay ka xishoon jireen jabhadihii dalka soo maray,
kadib burburkii dowladdii dhexe, isla markaasna uu xayiraad saaray magaalada
Kismaayo.


Post Views:
51



Source link