Muqdisho-KNN-Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa Maanta uu shir la qaatay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, waxaa uuna shirka dhacay magaalada Muqdisho.
Shiikh Shariif ayaa shirka waxaa ku wehlinayay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Himilo qaran.
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed iyo James Swan ayaa waxaa ay ka wadahadleen arimo ay ka mid yihiin xaalada guud ee dalka, si gaar ah waxaa ay u la falanqeeyeen xaalada siyaasadeed ee uu xiligan marayo dalka.
Shariif ayaa James Swan u sheegay in ay muhiim tahay in xal waara loo helo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul gobaleedyada ka jira dalka.
Ugu dambeyn James Swan ayaa waxaa uu mahadceliyay madaxweyne Shariif sheikh Axmed, isagoona ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumarka dalka.


Post Views:
78



Source link