Waxaa Dagmada Buuhoodle kaqabsoomay kulan balaadhan oo ay yeesheen Waftiga JWXO ee kujira Socdaalka Saxansaxo iyo Odayaasha dhaqanka ee Dagmada Buuhoodle.

Kulankan oo kubilowday isbarasho iyo kala warqaadasho ayaa si mug leh loogude galay ajandayaashii shirka, waxaana hadal miisaan leh kulanka kajeediyay halgame Axmedyaasiin Sh Ibraahim oo ah kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO ahna Hogaanka Warfaafinta JWXO, wuxuuna mudanuhu kudheeraaday sharaxaada Jabhada ONLf iyo ujeedadooda qeexan.

Sidoo kale waxaa khudbad taariikhi ah kulanka kajeediyay Naftii Hure Maxamed Shariif Cumar oo ah Xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO, wuxuuna Xoghayuhu si qotodheer usharaxay Taariikhda Wadanka Ogadenia.

Dhinaca kale waxaa hadalo mug iyo miisaan leh kulanka kasoo jeediyay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Dagmada Buuhoodle, waxayna Odayaashu cod dheer kusheegeen taageerada JWXO iyo Hayaanka cusub ee lagalay.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kudhamaaday kulankii dhex maray Odayaasha Dagmada Buuhoodle iyo waftiga JWXO ee socdaalka Saxansaxo ee Gobolka Doollo kujiray.

Tuuladiid.
ONA/Buuhoodle.



Source link