Waftiga JWXO ee kujiray Socdaalka Saxansaxo ayaa gurigiisa kubooqday Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ah shakhsi magac iyo miisaan kuleh Dagmada Buuhoodle iyo deegaanada kuxeeran.

Garaadka oo ay kamuuqatay xushmada uu uhayo madaxda JWXO ayaa sheegay in uu kufaraxsan yahay imaatinka waftiga JWXO isagoo xusay in uu si balaadhan ugarab taagan yahay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo hadafkeeda nadiifta ah ee mudada dheer ay ku soo halgamaysay.

Madaxda Jabhada ee Socdaalka Saxansaxo Kujiray ayaa Garaadka usheegay in ay siwayn ugu faraxsan yihiin booqashada Garaadka iyo salaanta ay dhulka fog kala yimaadeen.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa Garaadka uga warbixiyay marxalada cusub ee lagalay iyo sida ladoonayo in loola jaanqaado. Madaxda Jabhada ayaa sidoo kale Garaadka kuwargalisay in JWXO ay qabandoonto shirwayne ay umada Soomaaliyeed uqaban doonaan, kaas oo Garaadka iyo inta lamidka ah laga doonayo in ay kasoo qayb galaan.

Guntii iyo Gunaanadkii kulankii Garaadka iyo Madaxda JWXO dhexmartay ayaa kudhamaaday si guul iyo is afgarad ah.

Tuuladiid.
ONA Buuhoodle.



Source link