Muqdisho-KNN-Maxkamada ku taalo dalka Tunisia
ayaa xabsiga ka sii daysay musharax kaalinta labaad ka galay wareegi hore ee
doorashadii ka dhacday dalka Tunisia.

Maxkamada
racfaanka ayaa amartay sii deenta Nabil Karoui, kaas oo bil ka hor loo xiray
canshuuro uu diiday in uu bixiyo iyi isdaba marin lacageed.

Musharaxan oo 56
sano jir ah ayaa sii deentiisa waxa ay kusoo beegantay maalmo ka hor inta aanan
loo dareerin wareega labaad ee doorashada qaran ee dalkaasi.

Dadka wax
dhaliilo ayaa xiritaanka Mr Karoui ku tilmaamay mid dhaawacayso sumcadiisa
doorasho.

Waa doorashadii
labaad ee madaxtinimo ee ka dhacda dalka Tunisia tan iyo sanadkii 2011’kii
markaas oo xilka laga tuuray madaxwaynihii hore ee dalkaasi Zine al-Abidine Ben
Ali.


Post Views:
7



Source link