Waxaa maantay oo ay taariikhdu tahay 10 bisha tobnaad ay ku beegnayd maalinta xuska adduunka taasoo laga xusay meel badan oo adduunka ka mid ah, hadaba magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxay ka mid ahayd meelihi laga xusay maalintan.

Xuska maalinta dhimirka ee Bosaso lagu qabtay waxaa soo qaban qaabiyay maamulka xarunta dhimirka Bosaso iyadoo oo ay ka soo qayb galeen maamulka xarunta dhimirka Bosaso, dhakhaatiir ku takhasustay arrimaha dhimirka, dad qabay cudurka dhimirka ee ku caafimaaday xarunta dhimirka Bosaso, madax ka socotay wasaaradda caafimaadka iyo marti sharaf kale

Hal ku dhiga sanadkan ee xuska maalinta dhimirka adduunka ayaa ahaa ka hortaga is dilka dadka qaba cudurka dhimirka

Dadka qaba xanuunka loo yaqaan dhimirka ama waalida ayaa la sheegayaa in sanadihii la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayeen gudaha Soomaaliya, sababta keentey kor i kiciddda cudurka dhimirka ayaa loo badinayaa, dhaqaale xumada dalka ka jirta, shaqo la’aanta, mukhaadaraadka iyo Dowlad la’aanta Soomaaliya ku habsatey muddada dheer.

Inkastoo ay weli jiraan dad badan oo weli la il daran xanuunka dhimirka ayaa hadane waxaa magaalooyinka qaar laga hirgaliyey xarumo lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurkaasi.

Xarunta daryeelka dadka uu ku dhacay dhimirka ee magaalada Bosaso ayaa waxaa magaalada ka hirgaliyey dad iskood isu xil qaamay. Sanadkii 2012-kii ayaa la asaasay xarunta , kadib baahiyo badan oo loo qabay, iyadoona ay asaaseen dad isugu jiray culimo, ganacsato, odayaal iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa rabbi caafimaad ku siiyey in ka badan 1000 qof, iyadoo haatan ay ku jiraan oo lagu xanaaneeyo in ka badan 60 qof.

Suldaan Maxamad Muuse Geel Xoor oo ka mid ah asaasayaasha xarunta oo la hadlay oo xafladda ka ahdlay ayaa sheegay inay ahayd u jeedka loo hirgaliyey dhismahan, kadib markii aynu aragnay dad badan oo ku dayacan wadooyinka magaalada.

…Dadkaasi cudurka dhimirka qaba waa nalagu imtixaanayaa, waayo ilaah maskax uma weyn, sidaa darteed waa inaan caawinaa oo wax u qabanaa ayuu yiri Suldaan Geel Xoor.

Dr. C/qaadir Khaliif Cali oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in aan xilka la iska saarin dadka qaba dhimirka haddii ay ahaan lahayd dowladda iyo hay’adba, waxa uuna ku baaqay in la iska xil saaro dadka qaba cudurka dhimirka



Horn Post