Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi ay ka duushay diyaarad sida Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo,kuwaas oo kusii jeeda Magalada Kismaayo.

Wafdiga oo Xubno kala duwan isugu jira ayaa shalay la filayay inay tagaan Magalada Kismaayo,iyaga oo kasoo ambabaxay Magalada Boosaaso,hayeeshee waqtiga uu ciriiri ku noqday sidaasina ay ugu hakadeen Magalada Garoowe.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka  qeyb-geli doonaan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe halkaasi u tageysa, iyada oo aad loo adkeeyey Amniga Guud ee Magalada Kismaayo



Source link