Kismaayo-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goordhow gaaray
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha
golaha wasiirada Jubbaland ayaa wafdi Madaxweyne Deni ku soo dhaweeyay garoonka
diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo wafdiga
la socda ayaa waxaa ay ka  qeyb-geli doonaan xaflada  Caleema saarka Madaxweynaha maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed
madoobe).

Dhawaan ayay aheyd markii Wafdi ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/Kariin Xuseen Guuleed ay gaareen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, si ay kaga qeyb galaan xaflada caleema saarka madaxweynaha maamulka Axmed Madoobe.

https://radiokulmiye.net/
https://radiokulmiye.net/
https://radiokulmiye.net/


Post Views:
10



Source link