Maalintii Axadda ee October 6, 2019, dadka Soomaaliya waxay marqaati ka noqdeen isbeddel loo riyaaqo, kadib markii dacwad ka dhan ah Dowladda Federalka Soomaaliya uu Xisbiga Himilo Qaran (XHQ) u gudbiyey Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha XHQ Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa lagu xannibay garoonka magaalada Muqdisho xilli ay u socdaalayeen magaalada Kismaayo, si ay uga qaybgalaan caleemasaarka Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Xoghayaha XHQ Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in “tallaabadii lagu xayiray Mudane Sheekh Shariif ay aheyd mid sharci darro ah.”

Sharciyaqaanadda qaarkood ayaa qaba in go’aanka lagu soo rogay Jubbaland uusan waafaqsaneyn dastuurka, kol haddii aan laga ansixin Baarlamaanka xeerka xaaladda degdegga ah.

Kuwa ka soo horjeedda doodaas sharci ayaa iyana qabo, in xaalad degdeg ah aan lagu soo rogin Jubbaland, balse lafaray diyaaradaha inay isdiiwan geliyaan afar iyo labaatan saacadood ka kor duulimaadkoodda.

Haddii doodda loo daayo maxkamadda, khubarada siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka wax loo riyaaqo in gar siyaasadeed la horgeyo maxkamad, waxayna isbeddelkaas ku tilmaameen tillaabo hore loo qaaday, balse lala soo raagay.

Si kastaba ha ahaatee, xannibaadda Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxaa ka dhashay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo keenay in qaar ka mid ah xisbiyada iska diiwaan geliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ku dhawaaqaan isxulafaysi tobaneeyo xisbi oo ay ka mid yihiin Himilo Qaran, Horusocod, Ileys, Wadajir, MBDA, NDP, UPD.

Inta badan dadka gorfeeya siyaasadda, waxay u arkaan isbahaysigaas horumar iyo biseyl ay gaareen siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federalka Soomaaliya. Hase yeeshee, aragti taas ka duwan ayaa aaminsan in heshiiska isbahaysiga siyaasadeed “political coalition,” uu abuuri karo sawaxan dheer, balse usan lahayn hadaf hor leh oo ka duwan hariifo ku noqoshada Xukuumadda.

Haddaba su’aasha mudan in la isweydiiyo ayaa ah: Xisbiyada dalladda ku xulufoobay ma yihiin kuwo mabda’, aragtida amase fikirka siyaasadeed ku kala duwanaa oo hadda raadinaaya inay mideeyan aragtidooda, si ay saameyntooda siyaasadeed miro u dhasho?

Sida warbaahinta ay sheegtay xisbiyada ku xulufoobay “Madasha Xisbiyada Qaran,” waxay wadaagaan keliya afhayeen ku meel gaar ah. Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo la hadlaayay idaacadda VOA ayaa sheegay in ujeeddada xulufadu aysan ahayn isku tanaasul iyo iskaashi mabda’ toona.

In ku dhow 50 xisbi oo magacuyaal ah ayaa dalka iska diiwaangeliyay. “Badankoodu waxay matalaan dano shaqsi ama koox, iyagoo taageero ku raadiya boogaha iyo isdiidmada gacan ku rimiska ah ee qabiillada dhex yaala,” ayuu yiri Saciid Cabdisalaan oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

Haddaba, suuraggal ma tahay in isbahaysiga aan ku dhisneyn aragti iyo mabda’ toona inuu saameyn wax ku ool ah ku yeesho codbixiyeyaasha doorashada 2020/21?

Sideedaba, isbahaysi xisbiyo siyaasadeed (political parties’ coalition) waxaa lagu gaaraa labo arrimood: (1) In lagu dhiso xukuumad loo waayay xisbi qur ah oo heysta aqlabiyad; iyo (2) In lagu dumiyo xukumad uu hoggaaminayo xisbi aan aqlabiyad heysan.

Sida muuqata isbahaysiga – Madasha Xisbiyada Qaran, waxay adkayn kartaa ku xisaabtanka dib u soo laabshada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, inkastoo ilaa hadda uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin in mar labaad uu u tartami doono madaxtooyada qaranka.

Falanqeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan, in si loo helo koox horistaagi karta lafteedu ay ku xiran tahay in mucaaradku uu la yimaadaan siyaasad iyo hoggaan mideysan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laysku raacsan yahay in awoodda Madasha Xisbiyada Qaran ay ku abaabuli karto codbixiyeyaal isbeddel u horseeda dalka ay tahay mid aan sahal ahayn.

Shakise kuma jiro, in Madasha Xisbiyada Qaran ay u bahaan yihiin waqti badan si ay u turxaan bixiyaan kalsooni darrada gudahooda ka muuqata, si ay jawaab ugu helaan “Yaa hoggaaminaya isbahaysiga.”

Fikradda taageersan baahida loo qabo, “siyaasadda Xukuumad dhexe oo awood leh” ayaa aaminsan in Madasha Xisbiyada Qaran aysan lahayn aragti fog oo dhisi karta bulsho horumarsan, oo ka duwan ha loo guuro “confederation.” Taas miyeysan micnaheedu ahayn “Waanu soconweynee aanu roorno (orodno).”

Dhinaca kale, ceebalka madaxweynayaashii hore ee Soomaaliyeed, marka laga reebo Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), waxaa ka mid ah “dabeecadda isku dhejinta awoodda xukunka.” Fikradaas oo kale kama marna kooxda talada dalka haysa ee “Nabad iyo Noolal”, taas oo dareen ku abuurtay mucaaradka jilicsan.

Kuwa dhaleeceeya “siyaasadda xukun awood leh” ayaa ku eedeya xukuumadda inay adeegsato siyaasadda kadeedinta kuwa ka aragtida duwan, si ay u wiiqdo dimuqraadiyadda. Tusaale waxaa noogu filan, in xukuumadda daciifisay awoodda golaha sharci-dejinta, taas oo wiiqaysa hubinta isku dheelitirka awoodaha dastuuriga ah.

Teeda kale waxaa khatar siyaasadeed ah, in xisbiyo aan mideysneyn ku tartamaan doorashooyin qof iyo cod ah, ayagoo isbahaysigoodu aysan dhaafsiisneyn “Waxaanu ka soo horjeednaa maamulka jira.” Ifafaalahu wuxuu u muuqdaa, in Nabad iyo Noolal aan la horistaagi kari doonin marka la eego mucaaradnimada jahwareersan ee dalka.

“Doorashadii 2012kii, ayaa xildhibaano ka soo horjeeda Madaxweynihii DKG Sheikh Shariif Sheikh Axmed, isbahaysi cajiib leh ku soo saareen Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, oo aan hore looga aqoon masraxa siyaasadda Soomaaliya.  Tabtaas oo kale waxaa dabbaqay 2017kii, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan saadaasha ku jirin markii uu la tartamayay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud” ayuu yiri Cabdalla Jaylani oo wax ka qora siyaasadda gobolka.

Taariikhda Soomaaliya, horey looguma maqal madaxweynayaal hore oo ka soo horjeesta madaxweyne fadhiya. Cabdalla Jaylaani oo sii wada falanqeyntiisii ayaa yiri, “Inta madaxweynashaashi hore ay horboodayaan 50 xisbi oo is barbar yaaceysa, waxaa hubaal ah in Madasha Xisbiyada Qaran ay laf cad toobin ku hayso.”

Mucaaradku wuxuu u baahan yahay inay cashar kala soo ​dhex baxaan doorashooyinkii 1968-69 inta ay goori goor tahay. Xilligaas 64 xisbi oo badankoodu lagu raadinayay 123 kuraas xildhibaan ayaa 2,214 musharax u tartansiiyay baarlamaanka. Taasi waxay dalka dhaxalsiisay fashil dimuqraadiyadeed.

Hal arrin oo muhiim u ah guusha mucaaradka waxay tahay daldaloolada awood ku dirirka xukuumadda dhexdeeda, taasna kama muuqato maanta xubnaha xisbiga talada dalka haya. Weliba Farmaajo iyo Khayre waxay shacbiga u muujiyeen inaysan laheyn isdiidadii hoggaanka sare dhaqanka u ahayd sanadihii la soo dhaafay,  taas oo utun ku ahayd xasilloonida siyaasadda dalka.

War iyo dhammaantii, konton sanadood oo cadaadis diktatooriyad iyo burbur dagaal sokeeye kadib, waxaa xaqiiqa ah in xisbiyada cusub oo aan lahayn waayo aragnimada doorasho cod-iyo-qof ah, u baahan yihiin gargaar horumarin, si tartan dimuqraaddiyadeed oo micna leh dalka uga dhacdo, diiraddana loo saaro danaha guud ee dalka iyo horumarinta bulshada fiyow.

Haddii si haboon loo taakuleeyo xisbiyada abuurmay iyo ururada bulshada rayidkaba, waxay ka qayb qaadan karaan dhawrista habsami u socodka doorashada cod iyo qof ee 2020/21.

Haddaba, waxaa muhiim ah in baarlamaanka uu meelmariyo shuruucda xisbiyada, si caalamka looga raadsado taageero khibrad lagu dhiso xisbiyo karti siyaasadda iyo saameynba leh. Haddii taas la waayo, dalka kama gudbi doono darandoori (khayaal) siyaasadeed iyo isdiidmo qabiil.

Cabdulqaadir Cariif Qassim





Somalisan News