Muqdisho-KNN-Maxamed Cali Afgooye Hanti-dhowraha guud ee qaranka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka ee uu soo saaray xafiiskiisa.
Hantidhowraha waxaa uu sheegay in warbixinta uu xafiiskiisu daabacay aysan marnaba ku jirin lacag la lunsaday, balse waxaa uu tilmaamay in dad dano gaar ah ka leh warbixintaasi ay si khaldan u faafiyeen waa sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Hanti dhowraha guud ee qaranka ayaa beeniyay in lacagta 18ka milion ee la sheegay inay ka maqantahay maaliyadda dowladda, balse lacagtaasi ayuu ku sheegay inay taallo acount dowladda ay ku leedahay bangiyada caalamka.
Waxa uu hoosta ka xariiqay lacagta 18ka milion inaanan lagu xusin warbixinta miisaaniyadda dowladda ee 2018ka sidaanne ay ku sheegeen qoraallada ay soo saareen.
Waxaa uu sheegay in adduunka oo dhan ay ka jirto marka warbixinnada noocan ah ay soo baxaan in dadku ay siyaabo kala duwan uga hadlaan islamarkaana dano gaar ah ka faafiyaan.


Post Views:
57



Source link