Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in laba xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ay isku-soo dhiibeen Ciidamada dowladda ee ka howlgalla degmada Garbahaareey.

Labada Xubnood oo Magacyadooda lagu kala sheegay Guuliye Xareed Muxumed iyo  Cabdale Naasiri Ibraahim ayaa la sheegay inay in badan ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ka howlgeli jireen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee jooga Garbahaareey ayaa waxaa ay sheegeen in ragaas xiriir lasoo sameeyeen markii dambana gacantooda soo galeen iyaga oo Hubkoodii wata.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegeen in loo gudbin doono laamaha kale  ee dowaldda ee  ku shaqada leh sidda Maxkamadda Ciidanka Qalabka sidda ee Soomaaliya.

Si kastaba majiraan wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan in Xubno ka tirsanaa ay isku dhiibeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.





Source link