Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya qarax lagu weeraray ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey Ciidamada Jabuuti oo ku sugan gudaha Degmada jalalaqsi,xilli ay Ciidamadu dukaameysanayeen.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegayaa in uu qaraxaasi ka dhashay,inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi

Ciidamada Jabuuti ayaa xiray goobta lagu qarxiyay, iyagoona halkaasi baaritaano ka wado.


Post Views:
107



Source link