Muqdisho-KNN-Kolonyo
ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino waxaa lagula eegtay wadada
warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay
inuu ka dhacay xaafada ceymiska gaar ahaan labaajada mahad alle ee degmada
Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa
KNN u sheegay in qarax miino ee loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka
mid ah gawaarida  ay wateen oo marayay
Xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid .

Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas,
waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof, halka
tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMIOSM ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe.


Post Views:
43



Source link