Muqdisho-KNN-Wasiirro ka
tirsan xukuumadda federaalka oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Boosaaso
ee xarunta gobolka Bari ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo
kolkii horaba ay baxeen.

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayay Wasiirka arimaha dibadda
xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa ku wellinayay socdaalka uu
ku tagay Boosaaso Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka
Kalluumeysiga Cabdullaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi
Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Xubnahaan oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Puntland
ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo u wakiishay in ay dhameeyaan khilaafka
siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland oo ay
ku matalaan dowladda dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee
Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta qaranka markii ay dib ugu
soo laabteen Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay Boosaaso kulan qaatay in ka badan
8saacadood ay kulayeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani iyo
xubno kale oo ka tirsan madaxda ugu sareysa maamulkaas.

Waxa uu sheegay in madaxda maamulka Puntland kala hadleen sidii
loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka,
isagoo sheegay in ay balamo hor dhac ah ka soo yeesheen sidii loo dhameyn lahaa
khilaafkaas.

Sidoo kale intii ay socdeen kulamadaas ayaa waxa uu sheegay
wasiir Cawad in la isla soo hadal qaaday arrimaha maamulka Jubbaland oo isna khilaaf
xoog leh uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe, waxa uu sheegay in Puntland ay u
sheegeen in dowladda federaalka ay mowqifkeedii ka taagantahay siyaasadeeda ku
aadan Jubbaland oo aysan marnaba aqoonsa doonin doorashadii ka dhacday, isagoo
sheegay in hoggaanka Puntland ay arinta Jubbaland ku kala aragti duwanaadeen.

Wasiir Cawad sooma ban dhigin heshiis rasmi ah oo ay lasoo
gaareen madaxda Puntland, sidoo kale soo ma ban dhigin kulamadoodii kadib waxa
iska badalay mowqifka Puntland ee ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada
Kismaayo.


Post Views:
87



Source link