Sheekooyin Dhegayso maxay kuu sheegayaan Saleebaan, Paola ama Jose’? Ajanabiga degan wadankan Finland waxay inooga sheekaynayaan noloshooda Finland. Badanaa marka aad ajanabi ku tahay wadan waxaadururinaysaa khibrado kala duwan ha noqdeen wanaag ama xumaan.

Halkan waxa lagu soo ururiyey sheekooyin kuwaaas oo laga soo ururiyey50 qof oo ajanabi ah oo ka yimi wadamo kala duwan una yimi Finlandsababo kala duwan. Ajanabiga halkan lagu waraystay ma aha qaar wakiilka ah ajanabiga degan Finland, waxay ahaayeen qaar lala kulmay wakhtigii waraysiga la qaadayey.Qaar ka mid ah sheekooyinka waxaa lagu tujumay luqado kala duwansida Soomaali, Ingriisi, Ruush iyo Vietnam.

Markaa qofkii xiiseynayain uu waxbadan ka ogaado wuxuu ka helayaa buug kaas oo ku qoranaf-Finnish magaciisana la yidhaahdo “Magacaygu maaha qaxooti”.Taasi waxay suurtogal u noqonaysaa in ay akhristaan Soomaalida deganFinlandoo keliya.

HORDHAC WADANKII CUSBAA AJANABI CUSUB WADANKAYAGA FINLAND SHAQADA IYO SAQOLA’AANTA CUNSURIYADA WADANOOLAANSHAHA UMADA

Markii ugu horaysay ee aan u soo duulo wadankan Finland.Aad ayaan u baqsanaa sababaha baqdinta keentayna waxay ahayd anigoo aan weligay hore diyaarad u raacin Su’aalaha marwalba i hor imanayey ee aan ka baqayeyna waxay ahaayeen in aan wadan khalad ah tago, amaba inaan heliwaayo

“Pekka” oo ah ninkayga. Waxa kale oo aan aad uga baqayey diyaarada ayaa waxa lagu bedelayey “Mosko” magaalomadaxda wadanka Ruushka, halkaasoo aad sugaysid ilaa iyo toban saacadood. Waan gaajooday ma aanan garanayn huteel laga cunteeyo. Waxaan kale oo aad uga u baqayey in aan ku khaldamo diyaarado kale oo aan ahayn tii aan doonayey.

Waxaan weydiinayey dadka, shaqaalaha warbixin si ay ii wargeliyaan diyaarada aan raaci doono. Dhibaatada ugu wayn waxay ahayd aniga oo aan aqoon fiican u lahayn luqada ingiriisiga, aan aqoonin kalmadna af-finishka.

Rajada uguwayn ee aan qabay waxay ahayd ninkaga oo iga hor imanayey. Markii aan ka soo degay diyaarada waxa lay waydiiyay suaalo aanan waxbaba ka fahmin ka dibnawaxa la iga qaaday baasaboorka iyo waraaqihii loo baahnaa in la baadho. Halkaas oo laga ogaaday in aan u imi ninkayga oo degan Finland.Dadkii aan isla soconay si fudud ayay u tageen ama ha laga hor yimaado amaba iyagu ha is dabereen’e.

Waxaa la igaga tagey keligay cidla. Waxa la i waydiiyay cidi miyay kuu imanaysaa waxaan ku jawaabay haa ninkayga ayaa ii imanaya laakiin ma garanayo meesha aan tagayo. Pekka hore wax faah-faahin ah iigama siin gurigayaga cusub. gaadhi ayuu igu qaaday Helsinki ilaa iyo Lappeenranta waxaan aad u xiisaynayey gaadhitaanka guriga.

kadib waxaan nimi gurigii oo ku dhex yaala keyn. waxaan aad ula yaabay wadankayaga oo aan lahayn kaymo iyo wadankan wada kaymaha ah. Waxa aan weydiiyey ma kanaa gurigeenu, jiqdan wuxuuna iigu jawaabay haa.

Finland waa wada kaymo (Jantima) Lixdii bilood ee ugu horeysay gurigaygu wuxuu ii ahaa huteel oo kale ma aanan garanayn sidii aan u degi lahaa amaba ula qabsan lahaa ma aanan rabin in aan af-finishka barto, waxaan ahaa qofka ugu saaqidsan fasalka, inkastoo aan luqadaha aad uga wanaagsanaa, amaba aan bartay luqado fara badan oo kale duwan, ma aanan rabin in aan dhex galo bulshada waxaan tegi jiray maktabada halkaas oo aan ku akhrisan jiray buwaag kala duwan oo ku qoran luqada Carabiga.

Maktabadu waxay ii ahayd gurigaygi labaad waayo shaqaalihii maktabada ayaa xitaa i bartay, oo noqday saaxiibadaydii koowaad. Mudaddaa lixda bilood ah dabadeed waxaan isku dayey in aan laqabsado oo aan bulshada dhex galo afkana aan barto ilayn waa furaha bulshada’e. Waxaan isku dayey in aan bilaabo qoraaladaydi hore iyo kuwa cusuba. Waxaan ogaaday in aanay bulshada finnishka ahi waxba ka aqoon ajanabiga.

Oo ay og yihiin kaliya waxa joornaalada lagu qoro. Waxaan isku dayey in aan ku wareego dugsiyada iyo xanaanada caruurta si aan uga waramo wadankayga oo ah C iraaq. Waxaan ka shaqeynayey ururka Ciraaq ee ku yaala Turku. waxaanan sameeynay bandhigyo sawireed iyo filimo festifaalo ah oo ku saabsan Ciraaq. Hada waxaan leeyahay saaxiibo fara badan oo isugu jira Finish iyo ajanebiba, laakiin weli si fiican umaan baran af-finishka. Ma garanayo sababta ma anigaa mise waa umada Finishka, waayo waxaan aad iyo jeer ku wada hadalaa af-ingiriisi. Waxyaabaha yar yar ee nolol maalmeedka ah waa okey laakiin markii aan isku dayo in aan ka hadlo siyaasad amaba waxyaabo kale waxaan ku hadlaa af-ingiriisi. Saaxiibaday waxay leedahay cunug shan sano jira hadda isaga laftiisu wuxuu igula hadla af-ingiriisi sida “hey, come here!”(Ali).

Magacygu waa Geele maaha qaxooti, muqdisho dhamaan dadka saaxiibaday, deriskayga waxay ii garanayeen Geele haddii aan wax sameeyo amaba meel aado, qofka wax sameeyay amaba meel aaday waa “Geele”.

Markii ugu horeysay way i dhibi jirtay wadankan marka dadku i eegaan, waxaanan had iyo jeer ka fekeri jiray, muxuu saaxiibkay u malaynayaa marka aan ahay qof madow. ma u malynayaa in aanu nahay isku mid, laakiin hadda ima dhibto waxay dadka kale ku fekerayaan. waayo waan aqaanaa qofka aan ahay.

(Geele) Nolosha kelinimadu waa dhibaato.

haddii aan noolahay keli, waxaan isla ahay in aan xabsi ku jiro. Waayo dhibaatooyin badan ayaan ka fekeraa, marba wax cusub ayaa isukey sawira. Markii aan joogay Somaliya weligay ma tirin bilaha amaba sanadada, way bilaabmaan dhamaadaana waxaan ku ogaadaa kala wareega xafladaha sida ciidka,dabshidka iwm.

Laakiin hadda sanadku wuxuu ila yahay toban sanadood ma garto waxa aan tirinayo, waxaan is idhaahdaa talow noloshu ma isbedeli doontaa. Waxaan ku rajoweynahay in Somaliya nabadi ka islaaxdo, si aan ugu noqdo. Habeenkii markaan seexdo waxaan ku riyoodaa anigoo Somaaliya jooga oo la jooga deriska iyo saaxiibaday. Markaan aroortii indhaha kala qaadano waxaan ku baraarugaaFinland.

(Zahra) Run ahaantii markii ugu horaysay way ila adkaatay cid ku tiirsanaan la’aanta. Sanad ku dhawaad kadib markii aan Finland imi waxaan umulay wiil. Waxan ahaa ardayad, hooyo aan caruur hore u dhalin wadan shisheeye ahna joogta, oo aan garanayn cuntada caruurta la siiyo wadankan. Ma aanan haysan khibrad sida caruurta loo xanaaneeyo, mana aqoonin sida ciyaalka dharloogu geliyo isbedelka xiliyada ee Finland.Intaa waxa ii dheeraa anigoo ahaa xaas oo xilkeedu yahay inay qabatoshaqada guriga oo idil.

Waayo Afrika waa waajibaadka saaran gabadhaha. Hadda waa la bedeli karaa waajibaadkaa laakiin markii ugu horaysay waxayila ahayd dambi in aan sameeyo wax ka duwan wixii la igu soo koriyay. Haddii aan joogi lahaa Nigeria waxaan qabsan lahayn jaariyad amaba waxaana caawin lahaa qaraabada.

(Agbala Nwanyi) Dhaqamadayadu waxaanu nahay dad furfurun oo saxiibtinimo jecel, waayohaddii qof nooga sheekeeyo sheekooyin dhaadheer waan dhageysanaa. Dadku uma sheegaan toos wax ee way war wareegaan. Hadda Finland dhaqankaygu wuu ibedelay ma hayo wakhti aan ku dhegaysto, dadka cusub ee wadankan yimid, waayo waxay la yaabaan dhaqanka cusub waxay rabaan in ay ka sheekeeyaan xaaladaha ka qabsaday ama is fahmi la’aanta dhaqanka.

Waxaan weydiyaa miyaydaan fahmin dhibatadu waa sidaas iyo sidaas’e. Waxay igu yiraahdaan aamus oo dhegayso. Markaan idhaahdo wakhti ma hayo waxay i yadhaahdaan waxaad u dhaqmaysaa sida dadka xafiisyada ka shaqeeya ee aan dadka dhegaysan.( Agbala Nwanyi ) Wakhtiyadii iigu horeysay ee xilayada jiilaalka ah.

Dhibaato ayaa igala kulmi jrtay ku socodka barafka, mararka qaarkoodna waaba ku kufi jiray. Marka aan ku hadlayo luqada Finishka ah waxaan had iyo jeer ka fekeraa maxay tahay kalmada ku haboon amaba garaamar ahaan sax ma tahay weedha aad odhanaysaa. Labadaa ayaan ka bartay wadankan Finland “ku socodka barafka iyo luqada finishka”.

(Saleban) Maalin maalmaha ka mid ah ayaan isku dayey in aan qof sacada weydiiyo, waxaanan ku idhi waa imisadii luqada Ingiriisida ah. Qofkii aan saacada weydiiyey wuu iga cararey, ana waan ka daba cararey, aniga oo saacada weydiinaya, sababtoo ah ma aanan fahansanayn in uu aniga iga cararayo waxa ii cadayd sacada. mar dambe ayaan ogaadey in uu aniga iga cararyo sabatuna waxay tahay inuu qofku ka baqayo luqada ajanabiga ah.(Renata) Wadanka Iraq haddii qof u guuro guri cusub maalinta u horaysa xaafadaayaa u keenta cunto iyo hadyadba oo isagu waxba ma sameeyo.

Waxaana jirta maah maah odhanaysa ” dooro jaarka guriga ka hor”, waayo dadka iyo saaxiibtinamada ayaa wax walba uga weyn. Wadankan Waxa jirtay in aan qof dariskayga ah salaamo maalinkasta marka aan isku aragno jaranjarada amaba albaabka wuxuuna iigu jawaabaa maxay? Afar bilood ka bacdi waan is baranay, hadana waxaanu nahay saaxiib.(

Ali) Ciidaha amaba maalmaha sharafta leh ee Islaamka waxaan wada ciidi jiray Soomaaliya waalidkay walaalahay iyo asxaabtayda, halkaas oo aan ku cuntayn jiray kuna haasaawi jirnay. Imika oo aan joogo wadan shisheeye ah oo dhaqan kii iyo diintiiba aad u kala gedisan yihiin, waxa jirtay maalin maalmaha ka mid ah oo aheyd “ciid al-adxa” in aan tagey huteel ku yaalay magaaladatan Tampere waxaan dalbadey hilib ka dib markii la ii keenay ayaan waxaan bilaabay in aan ku cuno gacanta, halkaas oo dadkii kale ee huteelka ku cunteynayey i soo wada eegeen amaba ila yaabeen. Sabatoo ah wadankan waxay ka tahay ceeb.

Waxa kale oo jirta waxyaabo la iskula yaabo Soomaaliya oo aan wadankan la iskula yaabin sida Soomaaliya oo aan lagu findhicilan huteelka gudihiissa sababtoo ah dadka wax cunayaa way ka wiswisaan marka qofka ka soo horjeedaa uu findhicilanayo, halkanse waa iska caadi, oo qofku qoriga findhicilka (istakiinka) ayuu saaraya saxankii uu wax ku cunay cajaa’ib.

(Saleban) Mararka qaarkood marka aan si khalad ah ugu hadlo luqada Finishka ha ahaato dhawaaqa amaba garaamar ahaan dadka finishka ah iguma qoslaan laakiin haddii ay wadankayaga ahaan lahayd waan ku qosli lahayn haddii qof si khalad ah ugu dhawaaqo luqadayada, anagoo aan uga jeedin xumaan waxay u muuqataa funny. Markaa dadkan waa dad edeb badan.

(Qing Zhao) Wadanka Gaana haddii qof waayeel ah uu dirsado qof dhalinyaro ah xitaa yaanayba is garanine, qofka dhalinyarada ahi wuu u soo iibinayaa laakiin Finland qof walba isaga ayaa shaqaysanaya oo cidina isma caawiso Taasi waxay cadayneysaa in aanu ixtiraamno waayeelka.(Azato) Aniga oo ka imi wadan luqadiisu koowaad tahay Ingiriisi oo wax ku bartay af-ingriisi hadaba marka aan doonto shaqooyinka ii qalma amaba aan buuxiyo shuruudihii loo baahnaa oo dhan. Haddana ma helo sababtuna waxay tahay ma aaminsana in aan si wanaagsan u aqaano af-ingiriisiga, ama aan u qalmin shaqadaa iyada ah amaba qofka madow in uu wax garanayoba.

(Azato) Waxaan u soo guuray magaalada Tampere 1994. Markii aan deganaa in muddo ah ayaan waxa aan doontay shaqo, waxaan tagey xafiiska shaqada waxa la i tusay shaqooyinka banaanaa kadibna waxa aan doortay shaqadii igu haboonayd oo ahayd Huteel, kadib qofkii xafiiska shaqada ka shaqeynayey ayaa waxa uu wacay meeshii shaqada ka banaanayd ka dib waxa la ila balamay wakhti si la ii waraysto. Waxaan tagey maalintii balanta halkaas oo aan isku afgaranay in aan wiig ka bacdi bilaabo shaqada.

Dabedeed huteel managerkii ayaa waxa uu wacay xafiiska ajanabiga, isaga oo iga waraysanaya aniga iyo howlkarnimadayda. Waligay xafiiska ajanabiga ma tegin waayo waxa aan ka soo guuray magaalo kale, intii aan magaaladan deganaana wali dan kama yeelan. Waxa ay ugu jawaabeen ma garanayno. Markaa shaqadii halkaa ayay igu seegtay.

Waayo haddii aanay ku garanayn ama aadan finish ahayn sida lagugu aaminaa way adagtahay.

(Saleban) Markii ugu horeysay ee aan shaqo bilaabo waxaan ahayn aniga iyo arday Finnish ah oo aan isku iskuul ahayn waxaan ahayn isku shaqo waayo labadayaduba isku wax ayaan barenaynay. Markaa haddii qof isku dayo in uu shaqo noo diro wuxuu u yeedhi jiray inanka Finishka ah dabadeedna uu odhan jiray qabta shaqadan adiga iyo saaxiibkaa, markaasaa inanka Finishka ahi inta uu ii yimaado ayuu ii sheegi jiray oo af finish iigu sheegi jiray, markii aan weydiiyey maxay iigu sheegi waayeen aniga wuxuu yidhi waxay ka baqayaan af-ingiriisiga aad uma yaqaanaan sidaa la ajligeed way kaa xishoonayaan ma ku dhiirana in aykuu yimaadaan oo ku weydiiyaan waayo u malayn maayaan in aad is fahmeysaan.

Ka dib muddo dabadeed way i barteen oo ay igu soo dhiiradeen in ay wax ii sheegaan. Markaa waxay u baahan tahay wakhti inta aad is dhexgelaysaan. Waayo haddii aad ajanabi tahay way ka adagtahay isdhexgalka ama isbarashada haddii aad Finish tahay.

(Guled) Haddii aan nahay ajanabiga degan wadanka Finland marka aan maqalo “Joensuu” oo ah magaalo ku taal bariga Finland waan argagaxnaa oo waxaan u haysanaa in dadka degan magaaladaas oo dhami ay wada yihiin cunsuriyaal, laakiin way degan yihiin dad aan cunsiriyaal ahayn.

Markaa waxa magaca ka kharibay dadka yar ee cunsuriyaalka ah. Waayo haddii qof ajanabi ah ay isbartaan qof ka yimi Joensuu markiiba waxa uu is odhanayaa waa dadkii xumaa oo lagamaba yaabo in uu la sii hadlo.(Janita) Anigu waxay iila muuqataa joornaalada in ay noola dhaqmaan si aad u xun waayo haddii qof ajanabi ah wadanka uu doono ha ahaadee dembi galo joornaalka ayaa lagu soo qoraa isaga oo la eedaynayo wadanka oo idil amaba qaarada oo idil. Haddii shaqsi dembi galo waxa wanaagsan in la qoro hebel ayaa dambi galay, laakiin haddii la qoro wadankaas nin ah ayaa dembigaa galay waxay dhibaato u keenaysaa dadkii wadankaas ahaa oo dhan.

Waayo waxay ka qaadanayaan fikrad ah waa isku wada mid. Sidoo kale dadka xafiisyada ka shaqeeya waa la mid oo haddii aad wax uga baahato waa inay helaan qof Finish ah oo yidhaahda hebel waa nin wanaagsan, waxaba laga yaabaa in qofka Finishka ah aydaan waxba is dhaamin, isaga hadalkiisa waa la qadarinayaa adiga kaagana waxba laga soo qaadi maayo.

Xitaa haddii aad wadankaaga ka waramaysid oo tidhaahdid waa sidaa iyo sidaa, oo qof Finish ahina yidhaahdo ma aha sidaa. Adiga lagu aamini maayo. Taasi waxay i soo xusuusisaa wadankayaga Nageria hadii qof dumar ahi doonato shaqo loo qaadan maayo series oo waa in uu mar walba nin yidhaahdaa waa qof wanaagsan. Laakiin asxaabteyda waxay iila dhaqmaan si aad u wanaagsan oo aanay cunsuriyad iyo waxba anay ku jirin.

Sababta oo ah way i dhex galeen, waxayna ii arkaan in aan ahay qof iyaga la mid oo kale ah.( Agbala Nwanyi) Sedex sanadood oo isku xiga ayaan waxan aadeyay Disco isku mid ah sabti walba. Ninka irida ilaaliya ayaa marwalba waxa uu iweydiiyaa warqada aqoonsiga ana waan tusaa maalin maalmaha ka mid ah ayaan weydiiyey maxaad ii weydiisaa sedex sanadood oo isku xiga warqada aqoonsiaga, mise qofka madow marna la baran maayo.

Wuxuu iigu jawaabay maya qofka madow waligii wadankan laga baran maayo.(Yosuf) Marka aan ka nimaadno iskuulka maalin kasta aniaga iyo ardayda kale. Dareewalka baska ayaa i weydiiya kaadhka ardaynimada maalinkasta ardayda aan isla soconana ma weydiiyo.

Markaa marka aan tuso ayaan la iga jebiyaa qiimaha baska lagu raaco ardada kalena maba weydiiyo. Waayo waxaan raacayey laba sano oo isku xiga maalin walba qofka madowga ahna markiiba ishu way ku dhacaysaa waayo dadku waa wada cadaan.

Waxaan weydiiyey maxaad mar walba iiweydiisaa keligay. wuxuu iigu jawaabay haddii loo baahdo kaadhka waa in aad na tustaa.(Ahmed). Wiil aan saaxiib nahay oo Afrikaan ah ayaa ii sheegay, in uu aaday Disco dabadeed waxay isku barteen gabadh finish ah way wada sheekaysteen waxayna isku afgarteen in ay is raacaan oo aadaan gabadha gurigeedi, gabadhii ayaa waxay soo jeedisay in aanay meesha mar ka wada bixin oo ay kala yar danbeeyaan.

wiilkii ayaa soo jeediyey maan qaadano taksi ,isagoo u malaynayey in ay ka howl yaraan lahayd, waxay ugu jawaabtay gurigaygu ma foga waa loo lugayn karaa oo waxa uu jiraa ilaa iyo 1km. Laakiin isoo daba soco “I soo bidhaanso” markaa wuu waydiiyey oo yidhi maxaa dhacay waxay ku jawaabtay halkan waxa jooga saaxiibaday oo berito ayey igu odhanayaan waxaad raacday xalay bide. Marka waa lay takoorayaa.

(yosuf) Baasaboor la’aantu ama aqoonsi la’aantu waa dhibaato. Waxaan ahay arday, waxa la ii cusboonaysiinayey visihii badanaa waxa uu qaataa muddo. Maalin ayaa waxa gurigaygi iigu soo dhacay warqad ah in alaab ii taalo boostada. Markaa waxaan aaday boostadii oo aaan weydiistay alaabtii ii timid dabadeedna waxa laygu yiri na tus aqoonsigaaga. Ma aanan haysan aqoonsi waayo baasaboorku wuu iga xaraysnaa. Mana haysto aqoonsi kale oo la isma siiyo haddii aad arday tahay wadankan aqoonsi. Alaabta la ii soo diray waxay ahayd lacag hooyaday iiga soo dirtay Japan. Markii aan u sheegay xaaladayda waxay yidhaahdeen waa la celinayaa lacagta, waayo aqoonsi ma haysto. Markii hore ee laga soo diray lacagta japan ee loo soo diray Finland waxa la bedelay labajeer oo toos xidhiidh umalaha japan iyo Finland markaa haddii mar labaad la diro waxa la bedelayaa laba jeer oo qiimihii waa dhacayaa.

Waxaan ku idhi yaan la celinin markaa ninkii haystey boosta ayaa ogolaaday markii dambe oo sidaas ayaan lacagteydii ku helay. Markaa boostu way saxsan tahay oo sharci ayay ku socotaa laakiin waxa wanaagsan in sharciga ardayda waxa laga bedelo ama la fududeeyo.

Baasaboorka qaxootiga(Alains pasport) waa baasaboorka la siiyo dadka nabadgelyada weydiista amaba qaxootinimada loo ogolaado. laakiin marka run ahaantii la eego faa’iido aad ah malaha waayo wadamo aad u yar ayaa lagu tegi karaa. Wadamada badankooda hadii Vise loo doonto ku siin maayaan oo ma aaminsana in uu baasaboor yahay.

Waa dhibaato wakhtiyada fasaxa ah soo booqashada reerkayaga ama qaraabada degan wadamada kale. Waayo waa xabsi qof ku jira, qof aan dhaafayn wadanka laga qaabilo mooyee wadan kale. Waxaan rajeyneynaa in aan helno baasaboorka Finnishka ah si ay noogu fududaato booqashada qaraabada, shaqada iwm.(Ahmed) Nolasha kelida ahi waa wareer.

Mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa waa maxay noloshani, maxaad uga imanaysay reerkiini iyo dadkiini. Waayo sida aan uga fekerayo ayaan ku dhawaadaa waali. Marmar waan isla hadlaa, marmarna ma seexdo habeenkii sida aan uga fekerayo dadkaygii iyo waxa ay ku nool yihiin maxaa dhintay maxaa nool, Waayo haddii reerkaygu ay degenaan lahaayeen wadan nabad ah ma fekereen. Oo runtii haddii qofku tii ilaahay isaga dhinto.

Waa wax waligeed hore u jiri jirtay laakiin haddii dadku is dilayaan oo aanay nabadi jirinba waa murugo runtii. Waayo dagaalku waa wax aad u khariban. Laakiin dad aan garanayn waxa ay isku dilayaan runtii waa la yaab. Waxaan u diraa cajalado iyo waraaqo amaba sawiro laakiin marna ma helaan, waayo wadan aan dowlad lahayn siduu boosto u yeelan karaa.(Zahra) Wakhtiyadii uu dagaalku ugu xumaa Soomaaliya lacagtaydi oo dhan waxay ku dhamaatay telefoon waayo Soomaaliya may lahayn telefon toos ah oo lagala xiriiri karo Soomaaliya. Markaa waxaan wici jiray dadka qaraabada ah ee degen wadamada deriska la ah soomaaliya si aan u ogaado xaalada Soomaaliya.

Waayo maalin walba waxaan wararka ka maqli jiray warar aad u xun, sida meelhebla ayaa la isku dilay oo maanatan intaas ayaa ku dhimatay iwm. Wakhtiyadaa iyada ah waxaa igu dhacay caloosha ayaa i ololi jirtay , sababtoo ah waxaan aad ula socday wararka Soomaaliya.

Waxa igu dhacay calool xanuun sidii aan habeenkasta u soo jeedeyey ilaa iyo subaxii. Ugu dambeyntii waxaan galay dhakhtar halkaas oo aan ku jiray laba wiig. Dhakhtarkii ayaa waxa uu igu yidhi ha ka warwarin dhibaatada aadan waxba ka qaban kareynin waayo waxay khatar gelinaysaa caafimaadkaaga. lafteydu sidaa waan u fahansanaa hadana way adkeyd sidii aan wax uga bedeli lahaa dhibaatada wakhtigaa i haysatay.

Ugu dambeyntii waxaan go’aansaday in aandib ula xidh iidhin meelna oo aan is ilowsiiyo, dabedeed marka uu dagaalku dhamaado si aan u ogaado wixii dhintay iyo wixii noolba. Dabadeed in muddo ah meelna lama xidhiidhin ilaa iyo laba sanadood, maalin ayaan waxa aan wacay Kiinya oo aan qaraabadeyda siiyey telefoonkeyga markaa laba bilood ka bacdi ayaa la ila soo hadlay oo la ii sheegay in hooyaday dhimatay sanad ka hor.

Waxay igu noqotay naxdin taas oo ku hadhay maskaxdeyda ilaa iyo inta aan ka dhiman doono. Waxaana mar kasta i hor imaneyay oo aan ku muraara dilaacayey maxaad u joogi weydey dhimashadeeda, maxaan ula dhiman waayey. Waxaan dareemayey in aan ahay dambiili maxaad uga timid hooyadaa. Hooyaday way i caawisey waxayna doonaysay in aan joogin Soomaaliya, waayo imey difaaci kareynin. Waxay ka baqeysay in la i toogto.

Markii aan ka imi dabadeed waxaan maqlay in hooyadey aanay seexan habeenkii sababtoo ah aad ayey iiga werweraysay aniga xagee joogaa iyo sidee ku noolahay. Hadii qof ka yimaado dibada amaba teleefon la soo diro way iga wareysan jirtay aniga iyo waxaan ku noolahay.(Geele) Aniga waxay ila tahay in wadankani uu yahay wadankeygii labaad. Waan jecelahay Finland. Wadankan cunsirayadu way ku yar tahay. Dadku waa dad degan daacad ah wanaagsan ilaa iyo xad. Waxaan rabaa in aan degenaado wadankan ilaa inta ay wadankeyga (Afgaanistaan) nabadi ka aslaaxi doonto.

Ma aaminsani xuduudka juquraafiga ee wadamada la iskaga talaabo. Ururka taageera xuquuqda beni’aadamka wuxuu yidhi, dadku way u socdaali karaan meel kasta oo aduunyada ah. Sababtoo ah aduunyada waxaa loo abuuray beni’aadamka, iyadoo aan la is cunsuriyaynayn amaba la isku xidhayn dhalasho. Finland aniga waxay ii tahay meesha uga wanaagsan aduunyada.

Waayo waxaan imi wakhtigii dagaalku ka socday wadankeyga, markaan halkan imina waxaan imi duni kale amaba wadan nabad ah si wanaagsana waa la ii soo dhaweeyey. Waayo qofka dhibaatada maqlaa xumaanteeda ma oga ee waxa yaqaan qofka arka, markaa dadka wadankan degani ma garan karaan dhibaatadayda. Sababtoo ah waxay deganaayeen nabad waligood. Aniga waxaan ahay qaxooti, ay ka luntay n olo shii oo dhan, sida gurigaygi oo burburay mustaqbalkagi oo baaa’bay.

Markii aan halkan imina waxaan helay fursad aan ku soo ceshan karo noloshaydii. Waayo waxa ugu wanaagsan meeshan waa nabad iyo xasilooni. Waxaan ahay halkan aniga iyo reerkeyga. Waxaan aad ugu faraxsanahay inay dadka finishka ahi ii ogolaadeen in aan ku noolaado Finland.

Waanan ugu mahadnaqayaa. Halkan waxaan leeyahay xuquuq la mid ah xuquuqda Finishka. Markii aan joogay Iran, waxaan ka maqli jiray dadka iraaniyiinta in aan ahay Afgaanistaan. Afgaanistuna ay wadaan dhibaato.

Waxaanan maqalay arintaa marar farabadan. Dowlada Iiraan kamaanaan helin wax caawimaad ah. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa wadankan oo badbaadiyey noloshayda iyo nolosha caruurteyda, wayna igu filan tahay.(Hamid Sais) Dhaqankaygu waa mid aan haysan doono waligey waana mid aanan ku doorsanayn mid kale. Laakiin laba dhaqan oo kala duwan in ay dhibaato ama is afgaranwaa ka yimaado looma baahna. Waayo dhaqankeygu in ay u arkaan wax yaab badan oo aan la fahmi karin ma aha dadka F inishka ahi, ana kooda in aan u arko mid sidoo kale ah maaha. Waayo dhaqan waliba waxa uu leeyahay sharciyo iyo qodobo la raaco taas oo loo baahan yahay in la fahmo oo la fuliyo. Waana mid u baahan in la ixtiraamo.

Dhaqankuna ma aha mid si fudud lagu baran karo ee waa mid u baahan in la siiyo wakhti, si qofkii uu ula qabsado.(Haso) In umadi fahanto dhaqamo kala duwan waa suurto gal laakiin raacitaankooda ayaa waxa uu qaadanayaa wakhti.

Waxaan u baahanahay in aan isku deyno wadooyin fara badan oo kala duwan sidii aan u fahmi lahayn dhaqamo kala duwan. Markaa qofka pioneerka ahi waa in uu isku dayaa in uu arko wax fudud waxyaabaha adag ee ka hor imanaya. Taasoo u fududdaynaysa umadaha inaga dambeeysa in ay u fahmaan si howl yar.

Ra’yigaygu hadeer da dku si fiican ayey uga shaqeynayaan, laakiin dhibaatadu waa dadka qaar ayaa waxay sugayaan in ay si dhakhso ah isbedel u dhacdo.

Waayo waxay ilaabeen in dadka iyo waxay aaminsan yihiin aaney ku bedelmi karin maalin qudha ee ay u baahan tahay sidaan horeba u soo she egnay wakhti. Umada Finishka ahi waa inay bedelmaan waayo waxa wadankii ku soo kordhay umad cusub oo dhaqamo kale duwan leh, ajanabigu laftiisu waa in uu bedelmaa waayo ma joogo wadankiisi hooyo, Labadooduna waa inay ogaadaan waxa dhacaya, oo ay ogaadaan labadooduba wixii ay samayn lahaayeen. Taasi waxay u fududaan lahayd umada Finishka ah waayo iyagu waxay maamulaa wadanka oo waxay haystaan shaqada iyo lacagta laakiin dadka minooritiga ah oo u badan dadka shaqo la’aanta ah.(Agbala Nwanyi)





Somalisan News