Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta furay  kalfadhiga 6-aad ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo munaasabadii lagu furayay lagu qabtay xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Halka ay munaasabada ka
bilaabatay ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Ra’iisul
wasaare Kheyre, guddoomiyaha gobolka, dad laga kala keenay degmooyin ka tirsan
gobolkan Banaadir iyo marti sharaf kale,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona
furitaanka kal-fadhiga lixaad ee baarlamaanka labada Aqal.

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga ayaa waxaa hadaladii
uu jeediyay ka mid ahaa, “Mudaneyaal iyo Marwooyin sharciyada aan saxiixay
waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuqa oo gundhig u ah aasaasidda
qarannimo Soomaaliyeed oo taaba gasha, shuruucda aan saxiixay iyo kuwa kale ee
idin horyaalaba waxay muhiim u yihiin taaba-gelinta qarannimo Soomaaliyeed oo hana
qaadda”.

Sidoo kale munaasabada waxaa
goobjoog ka ah gudodomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo isagu
maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay amniga
xarunta golaha shacabka iyo goobaha ka agdhaw.


Post Views:
37



Source link