Muqdisho-KNN-Mooshin ka dhan ah wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad  Oomar ayaa loo gudbiyay golaha shacabka.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay
Xildhibaan Maxamed Idriis Ganey ayaa gudbiyey mooshinka ka dhankaa wasiir
Oomaar.

Xildhibaanada ayaa sheegay in kalfadhiga 6aad oo furmay
maanta  kullamadiisa ugu horeeya uu baarlamaanku
uga doodi doono mooshinkaas.

Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in ay doonayaan
in kalsoonida uu baarlamaanku kala noqdo Wasiir Oomaar, oo ay ku  eedeeyeen ku tumasho qodobo dastuuri ah iyo
xad gudub ka dhan ah xaquuqda aadanaha, in kastoo aysan si faah-faahsan uga
hadlin waxa ay ku eedeynayaan wasiirka.


Post Views:
48



Source link