Mjournal :-Wafdi Wasiiro ah oo shalay tagay Magaalada Boosaaso ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen maamulka Puntland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Puntland ay ka wada hadleen khilaafka Dowladda Federaalka kala dhexeeya,islamarkaana ay kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Qodobadda qaar ayuu sheegay  in la isku afgartay, islamarkaana rajo laga qabo in Khilaafka dowladda iyo maamulka Puntland lasoo Afjaro.

Waxaase  ay ku kala aragti duwanaadeen arrinta Jubbaland oo Puntland mowqifka adag ka istaagtay sidda uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.



Source link