Muqdisho-KNN-Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay.

Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa
sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii
hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee
gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u
hoggaamsameyso xeerarka caalamiga ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn
hawada Soomaaliya, xaqna ay u laheyd dowladda Soomaaliya in ay qabato
diyaaraddaas hawadeedana ay difaacato.

Maalintii Sabtida ee bilaawgii todobaadkan ayaa diyaaradaas
oo jabisay xayiraadii dowladda Soomaaliya waxa ay ka dagtay magaalada Kismaayo,
waxaana jiray amar ay dowladdu ku mamnuucday diyaaradahii duulimaadyada tooskaa
ku tagi jiray magaaladaas, kuwaas oo waajib looga dhigay in ay soo maraan magaalada
Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo ka carootay arrintaas ayaa  hay’adda hawada ICAO ee Qaramada Midoobey ku dacweysay
dowladda Kenya, oo ay ku eedeysay in ay ku soo xad gudubtay hawadeeda kuna
tumanayso Kenya sharciga caalamiga ah ee duulimaadyada hawada.


Post Views:
42



Source link