(London) 09 Okt 2019. Tababarihii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka hadlay arragtidiisa kaga aadan nasiibka ay Gunners u yeelan karto sannadkan inay tartanto ama ay ku dhameysato afarta ugu sareysa ee horyaalka Premier League.

Wenger ayaa wuxuu qiray inay adag tahay in Arsenal ay u tartanto hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan marka loo eego heerarka sare ay Liverpool ku soo bandhigtay kaddib la shaqeynta Jurgen Klopp.

Macalinka reer France ayaa carabka ku adkeeyay in Arsenal ay tahay inay u ciyaarto xilli ciyaareedkan sida ay ugu soo laaban laheyd tartanka Champions League, isla markaana ay ku dhameysato xilli ciyaareedkan afarta koox ee ugu sarreysa horyaalka.

Arsene Wenger ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Arsenal ma aysan u suurtogelin inay ku dhameysato afarta ugu sareysa xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxay fursad weyn u heystaan inay siaas sameeyaan”.

“Waxaan haatan miiska kala sareynta kaga horeeynaa kooxaha Manchester United, Tottenham iyo Chelsea waana inaan sii wadnaa”.

Gool FM.






Source link