Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamad Cabdillaahi Salaad Oomaar, oo BBC-da uga warramay arinta diyaaradaha Kismaayo ee Muqdisho mara ayaa sheegay inay arintaasi u sameeyeen amniga qaranka awgii.

Waxa uu intaa ku daray in mar allaale iyo markii la hubiyo in diyaaradaha tagaya Kismaayo aanay khatar ku ahayn amniga wadanka go’aankaasi dib loola laaban doono.

Dhegeyste sidee u aragtaa hadalkaasi? Adigoo mahadsan fekerkaaga oo cod ah halkan noogu reeb.



BBC Somali TV