Xeer ilaaliyah Guud ee Qaranka oo Maal mahan Baydhabo Howlo shaqo ujoogey ayaa Maanta Kullan la qaatey Hay’adaha Garsoorka KG,Gudoomiyaha Maxkamada sare Ee KGS ,Saraakiisha Ciidanka Booliska Iyo Dabi Baarista ,Asluubta,,Xeer Ilaaliyaha Koonfur Galbeed, iyo mas’uuliyiin kale ,

Kullanka ayaa ahaa mid warbixino la isku dhaafsanayay, Waxana Xeer Ilaaliyah qaranka uu sheegay ,in wax Badan ay ka qaban doonan Baahiyaha Ka jira ,xaruumaha kala duwan ,Garsoorka, saldhigyada booliska ,iyo Xabsiga weyn Ee Magalada Baydhabo,

Kullanka oo wakhti badan qaatey oo La isku dhaafsadey Warbixino Kala Duwan ayaa Marka uu soo dhamaadey Waxaa si wada jir ah Warbaahinta ula haDleen,
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowlad KGS Ahmed Ali Muuse ayaa ugu Mahadceliyay Xeer ilaayah Guud Ee Qaranka Sida ugu koor galey Xaruumaha Kala Duwan Ee Hay’adaha garsoorka kgs.

Xeer ilaaliyah Guud Ee qaranka Mudane Dr,Ahmed Ali Daahir ayaa Ka warbixiyay Mudadii uu joogey Baydhabo wax uu kala kulmey Isagoona shaaciyay in todobaadka soo socda Baydhabo ka furmi doono shir looga hadlaayo Arrimaha Garsoorka dalka ,oo ay ka soo qeyb gali doonan Dhaaman Xeer ilaayasha Dowlad Goboleedyada dalka.







Booqo brat Wararka Koonfur galbeed State FACEBOOK