Wafti Kasocda OYSU oo Qabtidahare Gaadhay?

Waxaa goor dambe oo galabta ah Magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay gaadhay Wafti balaadhan oo kasocday Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU).

Waftigan oo uu hogaaminayay Xoghayaha Guud ee OYSU Halgame Cumar Sheekh Cabdulaahi ayaa kasoo kici tinay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Gobolka Faafan.

Waftiga ayaa ukuur gali doona howlaha Ururka Dhalinyarada OYSU ee Gobolada Wadanka, waxayna waftigu qiimayn dhab ah kusamayn doonaan shaqooyinka kasocda Gobolada dalka, iyagoo dhiiri galin doona hormarka ay kutalaabsadeen Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia Ee Gobolada Wadanka.

Waftiga ayaa galabta Soodhawayn diiran loogusameeyay magaalada Qabridahare, iyagoo Bari hadii Alle Idmo Shir balaadhan kuqaban doona Xafiiska JWXO ee magaalada Qabridahare.

Ibraahim Catoosh.
ONA Qabridahare.







Source