Munaasabad Sagootin iyo Casho Sharaf isugu Jirta oo Loo Sameyey Raisul Wasaaraha Somaliya .

____________________________________________________Baydhawo 13 9 2019: Xafladani oo ay ahayd mid isugu jirtay Casho Sharaf iyo Sagootin islamarkaasna lagu Sagootinayey Wafdi uu Hogaaminayey Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Ali kheyre oo Maalmo Safar Shaqo ku Joogey Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Lagu Qabtay Xarunta aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo.

Xaflada Waxaa ka Qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna maye Wasiiro Xildhibaano ka kala Tirsan Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Odeyaal Dhaqameed iyo Marti Sharaf ayaa Sido kale kaso Qeybgalay Xaflada.

Hobalada Fanaaniinta jinaawkey ayaa Soo Bandhigay Suugan Lagu Amaanayey Waxqabadka Raisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Ali kheyre.







Booqo brat Wararka Koonfur galbeed State FACEBOOK