(Milano) 13 Sebt 2019. Tababaraha kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa iska diiday isbar-bardhiga xiddigaha Romelu Lukaku, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Romelu Lukaku ayaa ugu dhaqaaqay kooxda Inter Milan heshiis qaali ah ee ku kacay qiimo dhan 73 milyan oo ginni, kaddib wada hadalo mudo dheer u socday kooxana Nerazzurri iyo Red Devils inta lagu gudi jiray suuqii dhawaa ee xagaaga.

Antonio Conte ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka habeen dambe ay kula ciyaari doonaan kooxda Udinese horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga wuxuuna yiri:

Related image

“Lukaku wuxuu qeyb ka yahay Inter, marwalbana wuxuu muujiyaa dhoola cadeyn layaab leh”.

“Kooxda inteeda kale ayaa fahansan dabeecaddiisa isla markaana waxay ku guuleysteen in si diiran ee aad u wanaagsan ay u soo dhaweeyaan”.

“Waxaan ka hadlaynaa qof leh dabeecad bini’aadamnimo ee aad u sareysa, iskuna daya inuu ku soo bandhigo wax walba ee awoodiisa ah kooxda”.

“Ma doonayo inaan isbar-bar dhigo Lukaku iyo xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ee isaga iyo Messi lagu tiriyo inay yihiin kuwa ugu fiican adduunka”.

“Waa inuu ku fikiraa Romelu Lukaku inuu qabto shaqo adag isla markaana uu goolal u dhaliyaa anaga darteen, kaddib aan aragno waxa dhaca dhamaadka xili ciyaareedka”.

Gool FM.






Source link