Baydhabo-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada
Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur
Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, waxayna sida la sheegay iska
xog-waraysteen xaaladda dalka, isagoo xeer ilaaliyuhu sheegay u jeedka maanta u
tagay magaalada Baydhabo.

Xeer-Ilaaliyaha ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay
Baydhabo u gaareen sidii ay u indha indhay lahaayeen habsani u socodka howlaha
garsoorka iyo maxaabiista ku jirta xabsiyada deegaanada maamulka Koonfur
Galbeed.

Axmed Cali Daahir ayaa kormeeray Xabsiga Dhexe ee magaalada
Baydhabo, waxaana xaaladda xabsiga iyo maxaabiista ku jirta warbixin ka siiyay
Taliyaha ciidanka Asluubta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Post Views:
111



Source link