Waxaa hada Hotel-ka Istanbuul ee Magaalada Jigjiga Kasocota xaflad balaadhan oo lagula kala wareegayo xilka Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU).

Xafladan oo ah mid sifiican loogasoo shaqeeyay ayaa lagu casuumay qaar kamid ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), kuwaas oo goob joog ka ah xil wareejinta iyo habka ay udhacayso.

Xoghayaha Cusub ee OYSU Halgame Cumar Sheekh Cabdulaahi iyo Xoghayihii hore ee Ururka OYSU Faysal Ibraahim ayaa iyaguna kusugan madasha ay xafladu kadhacayso kuwaas oo si rasmi ah isugu wareejin doona xilka, taas oo tilmaan u ah habka Dimuqraadiyada ah ee doorashadu ay udhacday.

Wixii kasoo kordha Isha kuhay Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA/Jig Jiga.



Source link