Waftigii JWXO Ee Gobolka Shabeelle oo Iimay-bari Shir Kuqabtay.

Waxaa Dagmada Iimay-bari ee Gobolka Shabeelle Shir Kuqabtay wafti balaadhan oo kasocday Xafiiska Jabhada ee Gobolka Shabeelle, kuwaas oo indhawaalaba kujiray socdaal ay ku indha indhaynayaan howlaha halgan ee Gobolka Shabeelle.

Wafiga ayaa kulamo gaar gaar ah u qabtay Odayaasha dhaqanka ee Dagmada Iimay-bari iyo xubnaha JWXO ee kahowl gala Dagmada Iimay-bari.

Mas’uuliyiinta kasocday Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle ayaa xubnaha JWXO ku booriyay in ay sare uqaadaan howlaha halgan ee kasocda Dagmada oo hadaba meel fiican maraya.

Sidoo kale Waftiga ayaa Odayaasha iyo wax garadka Dagmada kala hadlay Midnimada shacabka iyo sidii isku meel loogu dhaqaaqi lahaa.

Howl-galka waftiga oo wali socda wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Bishaar Cabdulaahi.
ONA Shabeelle.



Source link