Mjournal :-Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa ay Maanta la kulmeen  Agaasimaha Hay’adda IMF Soomaaliya Allison Holland.

Kulanka waxaa Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay la yeesheen Agaasimaha Hay’adda IMF Soomaaliya Allison Holland  ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

“Maanta waxaan la kulanay aniga iyo Agaasimaha IMF Soomaaliya Allison Holland guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Addis Ababa u jooga howlo shaqo iyo horumarinta sharciyada Maaliyadda Dalka ayuu yiri”Wasiir Beyle.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka Maaliyadda inay ku faraxsan yihiin wada shaqeynta guddiga iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ku socota hab quruxbadan,isla markaan ay go’an tahay inay wadajir uga shaqeeyaan Danta Dadka iyo Dalka.



Source link