Kulankii Majliska Jaamacadda oo maanta Qabsoomay
————————–
Majliska Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta kulankoodii ka dhacay Xarunta maamlulka ee Jaamacadda, kulankaa ayaa ku soo beegmay bilaabaashada sanad waxbarasheedka cusub ee Jaamacadda 2019/2020.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dardargalinta bilaabashada Sanadka Cusub ee 2019 /2020, ayadoo sidoo kale looga hadlay horumarinta iyo kor u qaadida tayada Waxbarashada ee Jaamacadda.

Ugu dambeyn majliska ayaa isugu hambalyeeyay howlshii quruxda badneyd oo ay soo wada qabteen sanadkii hore sidoo kalane ku wada ballamay in midka soo socda Dadaal xoog badan la muujiyo ayada oo la raacaayo qorshaha howlaydka u dagan Jaamacadda Sanadkaan insha allaah.