Muqdisho-KNN-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa cambaaray’say qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku damac sanyahy in deegaameen hor leh uga sameeyo dhulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed.

Talaadadii ayuu
sheegay Netanyahu in uu doonayo in dhulka Israel uu ku daro Dooxada Jordan iyo
waqooyiga Badda Dhimatay, haddii uu xilka kusoo laabto doorashooyinka guud ee
todobaadka soo aadan dhacayo.

Masuuliyiinta
dalalka Jordan, Turkey iyo Sacuudiga ayaa cambaaray’yay go’aanka Ra’iisul
Wasaaraha Israel.

Madaxa
wadaxaajoodyada u qaabilsan Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale go’aanka Netanyahu
ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Sidoo kale ururka
Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in qorshaha Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu
ay tahay gardaro dhaawici karto hormarkii dii laga gaaray. 

Israel ayaa
qabsatay Daanta Galbeed sanadkii 1967’dii.

Balse xisbiyada
mucaaradka ayaa ku doodaya in Ra’iisul Wasaare Netanyahu aysan dhab ka ahayn
balanqaadyada uu sameenayo balse kali ah uu doonayo in ladoorto.


Post Views:
33



Source link