Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood, oo loo xilsaaray kasoo tala bixinta wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Xubnaha guddiga ah ee lamagacaabay ayaa waxaa guddoomiye
looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka
Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax, waxayna lixda xubnood oo kale ay kala
yihiin:

1.Saadaq Cumar Maxamed 
(xubin)

2.Ibraahim Macalin Cabdullahi 
(xubin)

3.Axmed Xaaji Cabdikariim Ducaale  (xubin)

4.Kornayl Cabdi Cismaan Yuusuf   (xubin)

5.Cabdi Maxamed Baaruud 
(xubin)

6.Kornayl Daahir Maxamed Tuuryare  (xubin)

Guddoomiyaha gobolka ayaa guddigaan uu magacaabay waxa uu
faray in ay si habsami leh uga soo shaqeeyaan habkii loo furi lahaa wadooyinka
xiran ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa markii ugu horeysay 29-kii  bishii hore ee Agosto waxa uu balan qaaday in
uu dib u furi doono wadooyinka  dhagaxda
lagu jaray ee magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhib ku qaba dhagax iyo ciidan la dhigay inta badan wadooyinka muhiimka ah, taas oo sababtay in magaaladu ay u kala xiranto labo gadi.

Halkaan ka akhriso Warqadda:-


Post Views:
4



Source link